War saxaafadeed uu soo saaray Dowlada Maraykanka qaybta AFRICOM ayaa faah faahin looga bixiyey duqeyn Mareykanka sheegtay in uu ka fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday degmada Sakkow lala beegsaday xarun ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi ay fuliyeen ayey sheegen inay ku dileen laba ruux oo katirsan Xarakada Al Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan duqeymaha uu ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.