Dowladda Mareykanka ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn Taliska AFRICOM ay ka fuliyeen meel u dhaw tuulada Gandarshe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Mareykanka oo iskaashanaya ayaa duqeynka cirka u gaystay Alshabaab ku sugnaa meel u dhaw Tuulada Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose .

Duqeynta ayaa la sheegay in ay aheyd mid qorsheysan isla markaana lagu dilay 4 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

Sidoo kale qoraalka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi waxa khasaaro ah aysan kasoo gaarin dad ra’yid ah.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.