Dowladda Mareykanka ayaa sheegay inay duqeyn ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya gar ahaan Gobolka Shabeelaha hoose, iyaga oo ku dilay Xubno katirsan Xarakada Al Shabaab oo bartilmaameedkoodu ahaa.

Duqeynta waxa ay dhacday Kuunya Barrow oo katirsan Gobolka Shabeelaha Hoose gelinkii dambe ee Jimcaha, waxaana Mareykanka ay sheegteen in ay ku dileen labo qof oo katirsan Al-Shabaab.

Qoraalka kasoo kala baxay Taliska Howlgalada Mareykanka u qaabilsan Afrika ee AFRICOM waxaa lagu sheegay in aanu jirin waxyeelo gaartay dadka shacabka oo ay xaqiijiyeen.

Diyaaradaha Mareykanka ee aan Duulliyaha lahayn loo yaqaan “Drone” ayaa kordhiyay weerarada duqeynta ah ee ay ka geysanayaan Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaana Taliska AFRICOM ay sheegeen in weeraradooda kaga hortagayaan halis dhanka Al-Shabaab kaga wajahan Ciidamada DFS, Mareykanka iyo AMISOM.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.