War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsanaa xarakada Al Shabaab lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Shabellaha Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaasi laga fuliyay degmada Mubarak, laguna dilay sideed (8) ka tirsanaa xarakada Al Shabaab.

Warbixintani ka soo baxday taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeyntan aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka Rayidka ah.

Dhinaca kale, xarakada Al Shabaab illaa iyo haatan wax war ah kama aysan jawaabin sheegashada Mareykanka.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa maalmihii ugu dambeeyey kordhiyey duqeymah ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya.

Warbixin ay dhawaan soo saartey Amnesty International ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu dad shacab ah ku diley duqeymaha uu ka geysto Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.