Wararka laga helayo koomfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn [Drone], oo ay leeyihiin militeriga Mareykanka ayaa weerar duqeyn ah ka fulisay Jubboyinka.

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu faah faahiyey duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana ay la beegsadeen Xubno ka tirsan Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020 waxa uu kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,waxaana War kasoo baxay AFRICOM lagu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada ay ka wadaan gudaha Soomaaliya oo ay kula dagaalamayaan Xarakada Al Shabaab iyo Daacish.

Halgan Media