Wararka laga helayo gobolka Bakool ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka tirsana guutada 9aad ee ururka 144aad oo lagu magacaabo Mustafa Macalin Xasan ayaa isu dhibay ururka Al Shabaab, sida ay Halgan Media u xaqijiyen ilo xogogal ah.

ilo wareedyada ayaa Halgan Media u xaqijiyay in Sarkaalka oo lagu magacaabo Mustaf Macalin Xasan ayaa goostay isago oo wato qorigisa iyo boosh kadibna ka baxsaday degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

Hoos waxad ka arki kata sarkaalka u gostay Al Shabaab ee la yirdha Mustafa Macalin Xasan.

Sida aan Xogta u helnay baxashada Mustafa Macalin Xasan kadib wuxuu tagay degaanka la yirdha Garas-Weyne oo ay ka arimiyaan ururka Al Shabaab waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Cabdullahi Humow oo ah Amiir-ka Al Shabaab u qabilsan degaanka Garas-Weyne.

Kadibna waxaa la sheegay in uu sarkaalka Mustafa Macalin Xasan raacay Amiir-ka Al Shabaab u qabilsan degaanka Garas-Weyne oo lagu magacaabo Cabdullahi Humow iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab lamana oga halka ay sargaalka usii kaxeyeen.

Halgan Media.