Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee Xaruunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in heshiisyo hoose gaareen dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Wadahadlo albaabada u xirnaayeen oo Axmed Madoobe la qaatay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa lagu soo waramayaa in ay ku gaareen is faham horu dhac ah iyo in laga heshiiyo khilaafyo badan oo taagnaa.

Sida aan wararka ku helnay dowlada federaalka ayaa ogolaatay in xayiraadihii dhanka safarka iyo lacagaha laga qaado maamulka Jubbaland si u yimaado iso soo dhawaansho maamulkaasi iyo dowlada federaalka dhax mara.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shuruudo badan ku xiray heshiis buuxa uu la gaaro dowlada federaalka, waxaana shuruudahaasi kamid ahaa in dowlada u aqoonsato Madaxweyne rasmi ah oo mudo xileedkiisu afar sano yahay.

Madaxda dowlada federaalka iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaana u balamay wadahadalo kale oo lagu dhameenayo khilaafka u dhaxeeya dowlada federaalka iyo maamulka Jubbaland oo mudo sanad ka badan aan xiriir la laheyn dowlada federaalka.

Dowlada federaalka ayaa dooneysa in meesha ka saarto isbaheysiga maamulada Puntland iyo Jubbaland oo caqabad ku noqday, waxa ayna dowlada dooneysaa in labadaasi maamul siyaabo kala duwan ula heshiiso si doorashada dhaceysa is faham ugu dhamaato.

Halgan Media.