Dowladda Uganda ayaa ku dhawaad laba Kun oo Askari u soo dirtay Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan ciidamada Shisheeyaha oo Soomaaliya Gumaaysto.

Ciidamadan oo gaaraya 1,828 Askari,waxaana ay tababar ku dhameysteen gudaha Dalka Uganda iyaga oo beddelaya Ciidankii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ee billadaha la guddoonsiiyay.

Ciidamada ayaa isugu jira Maleeyshiyaad iyo koox burcad, waxaana tababarka siiyay saraakiil ka socotay Waddamada Holland, Mareykanka iyo UK.

Munaasibadda ciidamada loogu soo daadgureynayay Soomaaliya waxaa kale oo ka qeybgalay Wakiillo ka socday Ciidamada Shisheeyaha oo kuso Dulaay Soomaaliya loo yaqaano AMISOM.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.