Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa saaka laga helay meydadka saddex ruux.  Sidda ay xaqiijiyeen dadka kunool magaalada Boosaaso labo caruur ah oo maalmihii lasoo dhaafay la waayay ayaa Saaka laga helay xeebta magaalada Boosaaso, iyaga oo Meyd ah.

Carruurtaan ayaa waxaa laqday Badda maalmo kahor sidda ay xaqiijiyeen ehelka carruurta. Dhanka kale magaalada Bosaaso ayaa  lagu dilay nin ka soo jeeda qowmiyada Oromada ee dalka Itoobiya, waxaana dilka ninkani gaystay nin kale oo isla Qowmiyada Oromada ah kadib khilaaf soo kala dhexgalay.

Dilka ayaa ka dhacay xaafada Magaalo-Cad oo ay degan yihiin dadka Itoobiyaanka ah oo kunool magaalada Bosaaso, waxaana laamaha amaanku ay gacanta ku dhigeen ninka dilka gaystay oo xiligani ku xiran saldhiga dhexe ee magaalada Bosaaso. Dhowaan ayey ahayd markii magaalada Boosaaso lagu dhex arkay maydadka labo Ruux oo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ilaa iyo haatan aan la aqoon cida kadamaysay dilkooda.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media