Wararka nagaa soo gadhaaya Gobolka Fafaan ayaa sheegaya in maleeyshiyaad kasoo jeeda qawmiyada Oromada oo hubaysan ay xalay weerar ku qaaday beeraleey Soomaaliyeed oo aan waxba galabsanin oo kudhaqaan tuulada Sandacaare oo katirsan degmada Tuliguuleed.

Waxaana weerarkaasi ku dhintaay Xawa Aw Yusuf iyo Adan Osman Barud siida ay sheegen dadka degaanka.

Maahan markii koobaad ee Maleeyshiyaadka Oromada ay weeraro noocan ay u gaystaan shacabka Somalida ku nool degaanka Tuliguuleed.

Bahda Halgan Media waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhamaan ehellada iyo qaraabada ay ka bexeen labada ruux sida xaqdarrada ah loo xasuuqay, Innaa Lilaal wa inaa Ilayhi Raajicuun.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.