Xisbiga talada haya ee gumeysiga Itoobiya oo loo soo gaabiyo EPRDF ayaa manta shirweynihii 11-aad ee xisbiga kusoo gabagabeeyay magaalada Hawasa ee caasimadda Ismaamulka Shucuubta Koonfureed.

Shirweynaha ayaa mar kale dib loogu doortay Guddoomiyaha Xisbiga, Raysal Wasaaraha gumeysiga Itoobiya Abiy Axmed waxaa sidoo kale Raysal wasaare ku xigeen Demeke Mekonnen mar kale dib loogu doortay in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka xisbiga.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka helay 176 cod guud ahaan xubnaha xisbiga ee shirweynaha soo xaadiray oo gaarayay 177 xubnood dhanka Demeke Mekonnen ayaa helayy 149 cod.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.