Wararka naga soo gaaraya gudaha Itoobiya ayaa sheegaya in Askari katirsan Ismaamulka Tigreega oo qof shacab ah ku dilay degmada Nader Adet sida ay sheegtay idaacadda BBC ee laanta Tigrigna.

Hagos Nigus oo kamid ahay dadka deegaanka ayey Askarta xalay toogteen, waxayna askarta aad uga shakiyeen ninkan oo magaalada dhex wareegayo xili uu guud ahaan ismaamulka Tigreega Bandow ku jiro, islamarkii rasaas ku fureen sida ay warka u dhigtay idaacadda BBC ee Tigringa.

Askariga dilaka geystay waxa magaciisa lagu sheegay inuu yahay Angaw Eshete, waxaana la sheegay in hay,adaha amaanka gacanta ku dhigeen dilka kadib, waxaana socdo baaritaan ku aadaan dilkaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.