Ciidamada Shisheeyaha ee dalka kuso dulay oo la magac baxay AMISOM ayaa xalay lagu weeraray qayba kamid ah Shabellaha Hoose, sida ay bahiyen warbaahinta maxaliga ah oo ka howl galo gudaha dalka.

Labo xero ciidan oo ay leyihiin ciidamda Shisheeyaha ka yimid wadanka Uganda ayaa xalay lagu weerary degaanka Shalanbood iyo Golweyn oo labada ka tirsan Shabellaha Hoose.

Ila hada lama shacin khasaaraha ka dhashay weerarada ay Al Shabaab geysteen. Sido kale Taliska AMISOM ee hadda loo yaqaano ATMIS kama hadlin weerada ay ciidamadooda xalay la kulmeen.

Halgan Media