Wararka naga soo garaay gobolka Somalida ay Kenya Gumaysato loo yaqaano NFD ayaa sheegaya in kiisas hor leh ku aadan cudurka Coronavirus oo laga helay degaanadasi.

Siida ay sheegan wasaarada caafimadka ee Dowlada Kenya, waxaa magaalada Mandera laga helay labo (2) kiisas cusub oo ah Coronavirus, taas oo cabsi xoogan geliysay shacsbka Soomaaliyeed ku dhaqaan degaanka Mandera iyo gud ahaanba gobolka NFD.

Dadka cusub laga helay cudurka Coronavirus magacooda lama sheegin Lakiin waxaay u badan tahaay inay dadkan yihiin ajanabi.

Waxaana muddada u dambeyay kusi batay necebka ay shacabka Soomaaliyeed ku hoos nool Gumaysiga Kenya ee Reer NFD ay u qaban dadka Shisheeyaha degaanadooda xog ku joogan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kala soco Halgan Media.