Wararka naga soo gadhaya gobolka Shabelle ayaa sheegaya in cuduurka dacuunku ka dhilacay degmada Qalaafe ee gobolkaasi.

ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhacay cudurka, waxaana ku dhintay 6 qof.

Degmada Qalaafe iyo degaanada kale katirsan gobolka Shabelle waxa ku yar xaruumaha caafimadka iyo Dhakatiir (Doctor) oo dadka xanuunsan wax ka qaaba kaaro.

Mamuulka u qabilsan gobolka Shabelle weli maaysiin ka hadlin dacuunka kasoo dhilacay degmada Qalaafe, ama wax gurmad u diraan dadka shacabka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.