Warar hordhac oo naga soo gaadhay gudaha Itoobiya gar ahaan ismamuulka Benshangul ayaa sheega in ugu yaraan 12 geeriyootay, iyo 11 dhawaacmay kadib markii rag hubeysan ay maanta weeraren tuulada Metekel oo ku yalla xadka ismamuulka Benshangul iyo ismamuulka Axmaraada.

Idacaada ay ledahay Dowlada Federalka Itoobiya loo yaqaano FANA ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada goobta u tageen 12 Qof oo mayd ah, sidoo kale waxaay sii shegeen in lagu daba jiraa kooxdii weerarkan gaysatay oo baxsatay.

Meela badan oo Itoobiya kamid ah ayaa waxaa kasocda dagaalo u dhaxeeya qomiyadaha Itoobiya ee kaladuwan lamana oga halka xaal kudanbayn doono.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.