War saxafadeed kasoo baxay beelweynta Muddulood oo maanta tariikhdu ah 17ka bisha August ee 2021 ayaa lagu sheegay in ay ciidamada Shisheeyaha ee AMISOM ay fal dambiyeed ku kaceen iyagoo oo si naxaris laan gobolka Shabellaha Hoose ku xasuuqay dad shacab oo aan waxba galabsan tariikhdu markii ay ku beegneyd 10ka bisha August.

Beesha Muddulood ayaa sheegtay in xasuuqa bahalnimada ah oo ay ciidamada Shisheeyaha u geeysteen dadka shacabka u ahaa mid ku xad gudbaya xaquuqda aadanaha, lamana aqbalayo in la iska indha tiro falka ay geeysten ciidamada Shisheeyaha ee AMISOM.

Sido kale, beesha ayaa sheegtay in si deg deg ciidamada AMISOM la hor keeno cadaalada, lana marsiyo ciqaab u dhiganto fal dembiyadii ay u ka kaceen, hadi kale dadka la xaasuqay ehelkooda xaq ayey u leyihiin in ay qoriga caradisa cadaalad kuso radsasan.

Qodobada ugu dambeeyo ayaa ah kuwa ugu Xasaasisan waxana muuqato in mustaqbalka dhow in dadka ku abtirsado beelweynta Muddulood ay bilaabi doono Halgan hubeysan oo ka dhan ciidamada Shisheeyaha ee dalka joogo iyo wixii taabacsan, madaama aysan jirin cid la xisabtanta ciidamada AMISOM oo marwalba shacabka laaynaya.

Hoos wad ka Akhrin karta warsaxafadeedka kasoo baxay beelweynta Muddulood.