Wararka nagasoo garaay gudaha Ogadenia gar ahaan magalaada Wardheer ee Xaruunta gobolka Doolo ayaa sheegaya in laga bilaabay dhismaha dugsi hoose, dhexe iyo sare.

Dugsiga ayaa waxaa dhagax dhigay madaxda Gobolka, Odayaasha dhaqanka oo uu hoggaaminayo Suldaan Cabdiqani iyo guddiga gacanta ku haya howsha dhismaha dugsiga.

Dugsigaan oo looga golleeyahay inuu noqdo mid hoy ah oo arday badani ka faaideysto ayaa dhismihiisu si rasmiya ubilaabanayaa maanta.

Waxaa xusid mudan inay dugsigaan dhisayaan bulshada deegaanka oo ayagu go’aansaday dugsi tayo leh inay isxilqaan ku dhistaan.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.