12 kii bilood ee lasoo dhaafay waxaa magaalada London lagu dilay 12 dhalinyaro Soomaali ah, waxayna taas ka dhigantahay in bil kasta celcelis ahaan la dilayay hal wiil oo Soomaali ah.
Tirada guud ee dhalinyarada labka ah ee lagu dilay London waa 1299 qoowmiyadaha oo dhan, Soomaalida waxa ay tiradaasi ka tahay 10%.
Dadka carruurtooda la dilay waxaa ka mid ah Hooyo Fawsiyo Axmed, iyada oo oynaysa ayay sheegtay in ay haleeshay masiibo aysan aqoonin meel ay kaga timid.
Dadka qaar ayaaba hadda ka fikiraya sidii ay carruurtooda uga qixin lahaayeen Ingiriiska, islamarkaasna gayn lahaayeen meel bad qabta.
Naciimo Xareed oo ah agaasimaha ururka haweenka iyo dhallaanka ayaa sheegtay in dhibka ugu badan uu ku dhoco hooyooyinka, islamarkaasna aabayoowga ay yihiin kuwa maqan.
Cabdi Muuse oo ah agaasimaha Ururka saaxiibadda Geeska ayaa sharaxaya “Dhawr arrimood ayaa sabab u ah, koow waa askartii oo la dhimay, meelaha aan degenahay oo meelo faqri ah, dhalinyaradii oo aanan loo samaynin siyaasad arrimaha bulshada, dhalinyaradii oo wax ay qabtaan aanan haynin”.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.