Dowlada Federalka Itoobiya ayaa beenisay eedeymo kasoo baxay hayadda Amnesty International, taas ay hayadda ku eedeysay ciidamada itoobiya inay ku xad gudbeen xaquuqda aadanaha.

Hayadda Amnesty International oo kamid ah hayadaha ugu caansan caalamka oo udooda xaquuqda aadanaha ayaa eedeymo culus u jeediyay xukuumada Abiy Ahmed.

Eedeymaha waxaa kamid ah inay ciidamada Dowlada xasuuqyo ka geysteen gobolka Oromada, iyo inay tacadiyo ka geysteen gobolka Amxaarada.

Hadalkaan cusub oo kasoo baxay xukuumada Abiy Ahmed oo beeniyey eedeymaha ay soo jeediysay Amnesty ayaa kusoo beegmaya xili uu qalalaaso ka socdo Itoobiya.

Halgan Media.