Kooxo ku hubysan Bastoolado, ayaa maanta Ganacsade ku dhaawacay gudaha magalaada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ganacsadahan la dhaawacay, ayaa Magaciisa lagu sheegay Abdi Mahad Farah, waxaana la dhaawacay xilli uu joogay bartaamaha magalaada Kismaayo.
Ganacsade Abdi Mahad Farah, ayaa loola cararay Isbitaalka Guud ee Kismaayo, waxaana lagu soo waramayaa in uu kasoo gaaray Weerarka Dhaawac Culus, kaasi oo hadda Dhakhaatiirta ay isku dayayaan in ay wax ka qabtaan.
Lama oga cida fulisay Weerarka la doonayay in lagu dilo Ganacsadaha, waxaana socda Baaritaano ay wadaan Mamuulka Ahmed Madoobe ee ka taliya gobolada Jubboyinka ee Koonfurta Soomaaliya.
Kismaayo ayaa waxaa kusoo badanaya Weerarada Bartilmaameedka ah ee lagu qaarijinayo Dadka Waxgaradka ah, Ganacsatada iyo Aqoonyahanada.
Halgan Media.