Wararka naga soo gaadhaya magalaada Qabridahere ee xaruunta gobolka Qorahay ayaa waxay sheegayaan in Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska ay xalay Meheeradeda kala baxeen gabadh oo aan waxba galabsaniin kadib jidh dhil xun u geysteen siidi ay sheegan dadka degaanka.

Gabadha ayaa waxaa magaceeda naloogu sheegay Ruqiya Yusuf waxaa kale oo wararku intaas ku darayaan inuu gabadha madaxa ka garaay dhawaac xun, markii ay maleeyshiyaadka Liyuu Booliska gabadha gacaan u Qadeen.

Maahan markii koobaad ee Maleeyshiyaadka Liyuu Boolisks ay dhibaato u gaysteen dadka rayidka lakiin waxaa nasib darro ah inuu mamuulka Somalida ka amuusan yihiin tacadiyada kasocdo degaanka.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.