Warar ka imaanaya magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay  madaxii shirkada DP world ee dekeda Boosaaso.

Paul Anthony Fermosa, ayaa xafiiskiisa lagu dilay, waxaana dilkaas ka dambeeyay nin hubaysan, kaasi oo  ka tirsanaa iskaashatada kalluumaysiga Gobolka Bari.

Masuuliyiin  ka tirsan Maamulka Puntland  ayaa warbaahinta u sheegay  in sarkaalka uu ku dhintay isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso oo dhaawac ahaan loo geeyay.

Ururka AL Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka loo geystay Paul Anthony Fermosa oo ahaa madaxii Shirkada DP World ee Dekeda Magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen ninka dilka geystay oo isagaba ku dhaawacmay rasaas ilaalada dekedu ku fureen.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.