Kadib degmada Wardheer ee  xarunta gobolka Doolo oo ay sarayd xaalad bandow mud dhan 4 cisho xafadaha 1aad iyo 2aad ayaa dib loo furay isu socdkii gaadiidka iyo dadka.

Xaladan oo ka dhalatay isku dhac laba xaafadood buuq ka dhashay markii danbana isu rogay gacan kahadal.

Mar aanu ka waraysanay wax naa ka waydiinay wax garadka odayaasha iyo noocyada kala duwan ee bulshada sababta kaliftay xaladan ayay dadku waxay noo sheegeen.

Inay ka danbeeyeen maamulka gobolka dollo oo dadka u cadaalad samayn kadib markay laa kala safteen shacabka is dhalay ah naa walalaha qarinyada wada noola sida darteed inaysan shacabkan ahayn kuwa waxyeelo isu gaysan kara ee ay yihiin dad wada dhashay.

Sida darteed maamulka gobolka dollo ee wakiilka ka ah xisbiga EPP ay ka abuureen gobolka qas iyo xaalad abuur.

Lama garanayo ujeedada ay ka leeyihiin maamulla gobolla dollo xaalad abuurka walow ay jiraan siday wararku sheegayaan qaar ka mid ah maamulka degmada wardheer inay laa safteen shacbka ayago qolo ahaan u racay.

Isku soo wada duubo mudadii 4 maalmood ahayd ayay gashay xalada magalada wardheer murug iyo dhibaatooyin kala duwan xaladaas oo soo afjarantay habaynka caawa ah.

Wakhti xaadirkan xalada magaaladu way dagantahay waxaana dib u soo noqday isu socdka dadka iyo gaadiidka lkin dadka shacabka ah waxay wadnaha farta kaga hayaan in mar labaad dib u soo laabato qalalaasuhu maadama ay qayb ka yihiin maamulkii xalka laga sugayay.

Shafi Dulane Halgan Media Wardheer