Wararka nagasoo garaay gudaha Ogadenia ayaa sheegaya inay maleeyshiyaadka Oromada  dhibaatooyin xoogan ay ku hayaan shacabka ku dhaqan degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan.

Dad shacab kusugaan degmada Tuliguuleed oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in maleeyshiyaadka Oromada ay weerar kuso qadeen degmada Tuliguuleed asbuucaan gudahiis gar ahaan arbacaada iyo khamiista. Waxaana uu tilmaamay in dhibaatooyinka ay sii xoogeysteen markii ay Oromada xukuunka gumaysiga Itoobiya la wareegen.

Sidoo kale shacabka oo la warramay idaacadda Halgan Media ayaa ku eedeeyay maamulka Mustafa Cagjar in ay wax ka ogyihiin dhibaatooyinkan lagu hayo shacabka degmada Tuliguuleed ee gobolka Fafaan lakiin weli ariintan kama hadlin iskabaa dhaaf inay tilaabo ka qadaan.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.