Dowladda Mareykanka ayaa ka xumaatay talaabadii lagu kala diray xukuumaddii Ra’iisul wasaare oo aheyd mid lama filaan ah, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Safaaradda ay ku leedahay Muqdisho.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanka uu qaatay baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana aqbalay madaxweynaha uu horseedi karo amni darro iyo qalqal ku yimaada arrimaha siyaasadda dalka oo haatan meel xasaasi ah maraya.

“Arrintan waxa ay cirka ku sii shareereysaa xiisadaha siyaasadeed, isla markaana ay carqaladaynaysaa wada hadaladii bilowga ahaa ee u dhexeeyay xukuumada federalka iyo maamul goboleedyada dalka.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Safaaradda ayaa intaa ku dartay in xasiloonida, hormarka, iyo amniga lagu gaari karo kaliya wax wada qabsi iyo hoggaamiyaasha Soomaaliyeed oo meel dhexe isugu yimaado, balse habraacii khaldanaa ee baarlamaanku shalay sameeyay uu dib u dhac u keenayo qorshihii dib u habeynta iyo taageerada Maraykanka uu siinayay Soomaaliya.

“Haddii shaqsi ama hay’ad ay raadiso inay awooda kaligeed maroorsato waxa ay carqaladaynaysaa xasiloonida qaranka oo dhan.”ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay safaaradda Maraykanka ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale ugu baaqday dhamaan madaxda dowladda, mamuul goboleedyada, golaha shacabka in ay sii wadaan fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb, islamarkaana danahooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud.

Arintaan ayaa ku soo aadeyso xilli maalinimadii shalay aheyd baarlamaanka Soomaaliya uu si lama filaan ah u kala diray xukuumaddi Kheyre, taasoo la aaminsanyahay in ay aheyd arin ay ka shaqeyneysay Villa Soomaaliya.