Wararka nagasoo garaay magalaada Hawassa ee Xaruunta Ismaamulka Shucuubta Koonfureed ayaa sheegaya in rasaas xoogan laga maqlay magalaada.

Wararka qaar ay sheegayaan in ay u dhaxeyso Ciidamada Dowlada Itoobiya iyo dhalinyaro hubeysan. Warar kale ayaa sheegaya in ay  Aheyd rasaas kooban oo si caadi ah loo riday isla markana cidna u dhaxenin.

Rasaasta maanta la maqlay ayaana ku soo aadeysa iyadoo Xaalada Ismaamulka Shucuubta Koonfureed ay tahay Mid Cakiran kadib markii Qomiyada Sidama ay Ku dhawaqeen mamuul gobaladeed gooni oo kabaxsan Ismaamulka Shucuubta Koonfureed.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.