Wararka naga soo gaadhaya Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ruux kale sakaay laga helay cudurka Coronavirus, taas oo keentay in guud ahaan dalka ka jiro 12 kiis oo ah cuduurka Coronavirus.

wasaaradda caafimaadka ayaa xaqiijisay inuu muwaadin Itoobiyaan ah oo dalka dib ugu soo laabtay kana yimid Imaraadka oo laga helay cudurka halista loo yaqaano Coronavirus sida ay sheegtay idaacada FANA oo ku hadasho afka Dowlada Federalka Itoobiya.

Gudaha Itoobiya waxaa ka jiro 12 kiis oo la xaqiijiyay inay qabaan cudurka Coronavirus, waxaana ariintan welwel geliyay beesha caalamka iyo dalalka reer galbeedka oo Itoobiya gacanta ku haayo waayo dalka wuxuu u dhow yahay xili doorasho, waxaana laga cabsi qabaa haddii uu cudurka sii faafo doorashada dib loo Dhigo.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.