Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorshaynaysa in ay dhisto dhuumo saliideed oo isku xira dalka Eritrea iyo gumeysiga itoobiya sidda ay shaaciyeen Warbaahinta dowladda Itoobiya.
Tan ayaa muujinaysa in ay tahay mid sii kordhinaysa saameynta dowladda Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika.
Gumeysiga itoobiya waxay bilowday inay soo saarto Saliid tijaabo ah oo laga helay Ogadenia bishii 6aad. Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka warbixisay qorshaha dhuumaha Saliida laga bilaabo Jimcihii ka dib kulan ka dhacay Addis Ababa oo u dhaxeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Reem Al Hashimy, wasiirka arimaha dibada ee Imaaraadka Carabta.
Imaaraadka Carabta ayaa kaalin muuqata ka qaadatay taageerada Itoobiya iyo Ereteria si loo soo afjaro dagaalkii 20-kii sano ee la soo dhaafay ka dhaxeeyay Labadda dal. Wakaaladdaha Caalamka ayaa qoraya in taageeradda Imaaraadka ee Itoobiya ay xoogeysatay ka dib markii uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.
Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Wadda Ololo ka dhan ah dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti ka dib markii ay diideen maalgalinta Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.
Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.