Xog hoose oo ay heshay Halgan Media ayaa sheegaya in uu Adan Cabdi Turuq kuna magac dheer Adan Coobe uu xalay ku dhintay magalada Muqdisho kadib markii uu dhowr asbuc la xanuunsanayay cudurka Coronavirus.

Adan Coobe ayaa ahaan jirey Xubin sare oo ka tirsan golaha shuurada ee ururka Al Shabaab. Markey tariikhdu ahayd 23ka biishii April ee 2019 ayuu isku soo dhibay ciidamada Jubaland oo xiligaa ku sugnaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo, kadibna waxa loo dhoofiyay magalada Muqdisho.

Dowlada Federalka ayaa guri qarsoodi ah dejisay Adan Coobe markuu soo gaaray magalada Muqdisho, waxana amaankisa la wareegay ciidamada Dowlada.

Isla sanaadkii 2019 ayaa Adan Coobe loo magacabay xubin buxda oo katirsan hayada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, isagoo hayada ka caawinayay arimo aan weli la shacin.

Adan Coobe ayaa qaraba la ah madaxweyne Farmaajo, waxayna dad badan aminsan yihin in sidaas darteed loogu magacabay NISA kadib markii uu dowlada isu dhibay Madaama ay jiran xubna badan oo katirsanaa Al Shabaab oo dowlada isu soo dhibtay, kadibna la ciqaabay sida Mukhtar Roobow.

Halgan Media