Shalay markii ay tariikhdu ahayd 19ka bisha April, ururka hubeysan ee Al-Shabaab ayaa weerar cagmarin ku qaadey saldhig ay lahayen ciidamada dowlada oo ku yaalo degaanka Budbud ee gobolka Galgaaduud, balse ka hor maxa dhacey?

Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo kana tirsan Villa Soomaaliya oo diiday inaan magacisa shacino sababo amni awgeed ayaa warbaahinta Halgan Media u xaqijyey in shirkada Hormuud ay jareen isgaarsiinta inta usan dhicin weerarka.

Sida aan xogta ku helnay, intusan gaariga qaraxa sida lala begsan saldhiga ciidanka, isgaarsinta ayaa gebi ahaanba laga jaray degaanka Budbud, kadibna dagaalyahanada katirsan Al-Shabaab ayaa dhinac kasta uga soo daatay saldhiga, ciidamada ka tirsan dowlada waa ay heli wayen in ay la soo xiriran ciidamo usoo gurman lahaa, taasi oo keentay in khaasara xoogan uu ka dhashey weerarka. 

Sarkaalka katirsan Villa Soomaaliya ayaa warka inta ku diray in Dowlada Dhexe ka war heyso in ay shirkada Hormuud ay jareen isgaarsiinta balse lama filayo in ay dowlada tilaabo ka qaadi doonto Hormuud madaama ay ka awood badan yihiin Dowlada Dhexe ee Soomaaliya.

10kii sano ugu dambeyey waxa aad uso batey xogta iyo wararaka la isla dhaxmarayay oo sheegaya in uu jiro xirir u dhaxeeyo shirkada Hormuud iyo ururka Al-Shabaab balse awooda xad dhaafka ay Hormuud ku leyihiin soomaaliya ayaa sababay in aan tilaabo laga qaadi karin shirkadan oo ah mid ku nool dhiiga iyo dhibaatada lagu hayo ummada Soomaaliyeed.

Halgan Media