Ilo wareedyo lagu kalsoonan karo oo diiday inaan magacooda shacino sababa amni awgeed ayaa Halgan Media u xaqijiyay in musharax madaxweyne Sharif Sheekh Xasan uu ka badbadaay isku day dil oo maanta loo qorsheyey.

Sida aan xogta ku helnay, waxa jiro shaqsi la yirdha Xuseen Cabdi oo kasoo jeedo beesha Mareexaan xirirna dhow la leh kooxda Farmaajo, wuxuuna hada yahay turjubanka qaaska ee ciidamada AMISOM ee Itoobiya oo fadhigod yahay magaalada Baydhabo, waana ninka u qabilsan laalushka loo mariyo ciidamada AMISOM ee Itoobiya, kadib markii magaalada Addis Ababa lagu xiray Cali Garaaw oo hore u ahaa niinka booskas ku fadhiyay.

Sawir: Xuseen Cabdi waa ninka xiran tuutada Amisom oo dhinaca firinaya

Madaxweyne Cabdicaziz Laftagareen oo ah hogimayaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa todobo (7) gaari oo Cabdi Bile uu leeyahay maanta soo geliyay garoonka magaalada Baydhabo, kadib markii laalushka oo ugu talagalay ciidamada Itoobiya uu u mariyay Xuseen Cabdi, taasoo baa keentay in ciidamada Itoobiya ay garoonka ku fasaxan tadobada (7) Cabdi Bile iyo ciidanka sarnaa, ujeedada laga lahaa waxay ahayd in la weeraro Madaxweynaha hore ee Koonfur Galbeed, Sharif Sheekh Xasan oo saaka la rabay in uu garoonka kaso dego.

Sawir: Xuseen Cabdi iyo Laftagareen

Nasib wanaag, Sharif Sheekh Xasan iyo team-kiisa ayaa ka baqday diyaarada, balse hadii ay kasoo degi laheyn garoonka waxa hubaal in uu meesha dhig ku daadan lahaa, halka u magaalada Baydhabo ka qarxi lahaa kacdoon shacab la mid markii ay ciidamada arxan darrada ee gumeysiga Itoobiya ay afduubteen Sheekh Muqtar Robow.

Halgan Media News Desk