Wararka naga soo gadhaay gudaha Ogadenia ayaa ku warramayaa inay maleeyshiyaadka Oromada dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan degmada Jinicsani ee gobolka Fafaan.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa si aad ah looga dareemayaa degmada Jinicsani iyo tuuloyinka udhow, sida ay xaqiijiyeen dad deegaanka ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoona laga cabsi qabo in dagaal uu ka qarxo halkaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Mamuulka Mustafa Cagjar oo ku aadan arrintaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.