Shabakada warbaahinta ee Halgan Media ayaa xaqiijiysey in saraakiil ka tirsan ururka hubeysan ee xarakada Al-Shabaab ayaa duqeymo lagu dilay dhowr cisho ka hor ayadoo eh xili habeen markii ay tariikhda ahayd 31ka December oo soo galeyso 1da Janaayo ee sanadka cusub.

Sida aan xogta ku helnay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano “drones” ayaa gantaal ku garaacay deegaan la yiraahdo Buula-Fuulay oo ka tirsan gobolka Bay.

Ka hor inta usan duqeynta dhicin, waxa la sheegey in la maqley motorka diyaarado oo dhanka cirka (from the air), kadibna la arkey diyaarad loo yaqaano “drone” sida u Halgan Media u xaqiijiyay ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo oo diidey inaan magaciisa shaacino sababa amni awgeed.

Duqeynta ayaa la sheegey in lagu dilay labo sarkaal oo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo isla goobta ku dhinteen. Ilaa hada lama shaacinin khasaara soo gaarey dadka rayidka ah, sida nalo sheegey.

Waa Kuma Saraakiisha Lagu Dilay Duqeynta?

Cabdullahi Cismaan (Abdullahi Osman) oo ka tirsan qabyta howlgallada ee Al-Shabaab, horeyna ka tirsanaa kuwa u qaabilsan qaraxyada ayaa kamid ah dadka ku dhintey duqeynta. Waxana sido kale la sheegey in uu kasoo jeedo beesha Abgaal, lana shaqeyn jiray warbaahinta caalamiga ah ee Al Jazeera.

Maxamed Aaden (Mohamed Aden) oo katirsan isla ururka Al-Shabaab ayaa sido kale duqeynta ku dhintey, lana xaqiijiyey in uu kasoo jeedo beesha Xawaadle. Maxamed ayaa la sheegey in uu uxil sarnaa arimaha amniga quseeyo ee xarakada.

Ila hada qofne ma sheegan masuuliyada duqeyntan. Sida laga bilaabey dib u doorashada Xasan Sheekh, waxa Soomaaliya ku xoogeystey duqeymaha badan aanan la ogeyn cida ka dambeyso.

Tuhun weyn baa jiro in ay dowlada Turkiga ku lug leedahay duqeymaha farabadan oo dalka ka dhacay sanooyinkii ugu dambeysey aanan cidna sheegin masuuliyadooda.

Halka dhinaca kale, oo ay dad aaminsan yihiin in sirdoonka Mareykanka ee loo yaqaano CIA-da ay ka dambeeyen duqeymaha oo ka dhacay dalka aanan la ogeen cida ka dambeyso.

Halgan Media