Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe diyaarad dagaal ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fulisay deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey degmada Hantiwadag. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaas, lakiin Taliska AFRICOM ayaa sheegay in ay ku dileen hal ruux ka tirsan xarakada Al Shabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Halgan Media ayaa sheegay in meelaha la duqeeyey ay ku sugan yihiin dad rayid ah oo u badan beeraley.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in weerarkaasi dhanka cirka ah uu cabsi xoogan ku beeray dadka deegaanka.

Halgan Media xafiska Muqdisho