Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa qaadacday qorshihii ay dowladda Kenya ku doonaysey in la hakiyo dhegaysiga kiiska dacwadda ee badda Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya Cabduqaadir Axmed Kheyr oo ka hadlayay Kulanka golaha nabadda iyo amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay inaysan aqbali karin codsiga Kenya maadaama dacwaddu ay muddo 5 sano ah hortaal maxkamadda ICJ.

Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay ku kalsoon tahay qaadista dacwada Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayna rajaynayaan inay guul ka soo hoyiyaan dacwaddaan oo muddo soo jiitamaysey.

Muran badeedkaan oo dacwaddiisu jiitamaysay muddo 10 sano ah ayaa dowladdii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa ay July 2016 geysey maxkamadda ICJ kiis ka dhan ah Kenya.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.