Diblomaasi Dawladda Eritrea u fadhiya dalka Japan, oo lagu magcaabo Ambassador Estifanos, ayaa madaxwaynaha Soomaaliya ka codsaday in loo cusboonaysiiyo dhalashada Soomaaliya oo la siiyay 1983-kii.

Estifanos ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka oo u dhignaa sidan:-

“Waxaan madaxweyne Farmaajo maanta ku waydiistay garoonka diyaaradaha Narita Airport TOKYO in uu si naxariisleh iga caawiyo in la ii cusbooneysiiyo dhalashadeyda Soomaaliya oo aan helay 1983-dii. hal dad Eritrea.” Sidaas ayuu danjire Estifanos ku qoray bartiisa twitterka.

Jabhada Xoraynta Eritrea loo yaqaan EPRDF ayaa dhowr iyo 20 sano saldhig u aheyd dalka Soomaaliya ayaga oo caawiynad ka heli jiray dowlada Kacaanka. Ambassador Estifanos ayaa xiliga ka mid ahay xubin katirsan Jabhada EPRDF.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.