Wararka saaka soo gaarey shabakada warbaahinta ee Halgan Media ayaa sheegay in uu geeriyoodey Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf, oo kamid ahaa mid ka mid ah culumadii aas-aasey xarakadii hubeysanaa oo la oran jiray Al-Itixaad Al-Islaamiyah.

Sida aan Xogta ku helnay, Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf ayaa gelinkii dambe shalay (khamiista) ku geeriyoodey caasimada Muqdisho sida ay noo xaqiijiyeen qaar kamid ah ehelkiisa oo khadka teleefoonka kula hadlay Halgan Media.

Waa kuma Sheekh Maxamed Xaaji Yuusuf?

Deegaan ahaan wuxuu wadaadka kasoo jeeda gobolka Gedo, wuxuuna sidoo kale ka mid ahaa ragii aas-aasey Xarakadii hubeysnaa oo la oran jiray Al-Itixaad Al-Islaamiyah oo dagaalo lagu hoobtey la gashey jabhadaha ka arimi jiray Koonfurta Iyo Bariga Soomaaliya, kadib markii la riday Dowlada Kacaanka.

Wuxuuna sheekha derajo ahaan gaarey Gollaha Dhexe ee Xarakada, welibana ka mid ahaay dadkii ay ciidamada Itoobiya aad u raadin jireen markii ay Itoobiyaanka kusoo duleen Soomaaliya 1996-kii, islamarkiina ay qabsadeen gobolka Gedo.

Waxana la sheegey in sanooyinkii ugu dambeyeey uu ehelkiisa la noolaa. Hase yeeshe, ma jirto faahfaahin intaas ka badan markii la fiiriyo xaalada uu ku noolaa waayihii dambe.

Maanta oo tariikhda ku beegan tahay 29ka December ayaa janasadiisa lagu tukan doona masaajid Isbaheysiga ee magaalada Muqdisho, kadibna lagu aasiidoono isla caasimada dalka.

Halgan Media