Hay’adda QM u qaabilsan dhanka socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in 28 muhaajiriin ah oo ay Soomaali ku jirto ay ku dhinteen Jabuuti, kadib markii labo Doomood oo ay saarnaayeen ay kula dageen xeebaha dalkaasi.

Sidoo kale IOM ayaa sheegtay in weli la la’yahay muhaajiriin kale oo la socday Doomahaasi, iyadoona uu shilkan uu ka dhacay xeebta Godoria ee dalka Jabuuti .

Mid ka mid ah dadka la soo badbaadiyay ayaa sheegay in Doontii uu la socday ay saarnaayeen qiyaastii 130 Qof.

Muhaajiriintan oo u badnaa Soomaali ayaa lagu soo warramayaa in ay ku sii jeedeen dhinaca dalka Yemen.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee Jabuuti ayaa haatan wada howlgallo ay ku baadi goobayaan muhaajiriinta ku qaraqmay gudaha badda.

Inta badan muhaajiriinta ka soo jeeda Africa ayaa safaro halis ah ku gala xeebaha dalal badan, si ay u gaaraan Qaaradda Yurub.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.