Wararka naga soo gaaraya dhulka Somali Galbeed gaar ahaan gobolka Nogob ayaa sheegaya inuu koronto la,aan ka jirto degmada Garbo.

ilo degaanka ah ayaa Halgan Media u xaqiijiyay in Matoorda (Generator) ay bulshada ku dhaqaan degmada Garbo ka heli jireen korontada ayaa joogsaday inuu shaqeeyo, taas oo sababay in xaafadaha ka kooban degmada Garbo ay helin wax koronto ah.

Maamulka Mustafa Cagjar weli kama hadlin arintan, iskaba dhaaf inuu wax ka qabto ariintan. Wixi kasoo kordha degmada Garbo iyo guud ahaan gobolada dalka kala soco Halgan Media.

Shabakada Halgan Media