Wararka naga soo gadhaay Waqooyiga Itoobiya gar ahaan gobolka Gonder ee Ismamuulka Axmaraada ayaa ku warramaya in duhurnimadii maanta kooxo hubeysan ay 3 Qof oo shacab ahaa ay ku dileen degmada Atane, halka ay Laba kale ku dhawaacmeen.

Raggii ka dambeeyay dilkaasi ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen dilka kadib siidi ay sheegan idacaada DW Germany la’aanta Axmaraada.

Sidoo Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeeya dilkaasi, mana jirto weli cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Ciidamada Federalka Itoobiya oo gaaray goobta uu dilku ka dhacay ayaa baaritaano kooban ka sameeyay deegaanka Atane, inkastoo aan la ogeyn natiijada howlgalladaasi.

Warkan iyo wixi kasoo kordha kalasoco Halgan Media.