Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadenia gaar ahaan degmada Yucub ee gobolka Doolo ayaa waxay sheegayaan in Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska kala baxeen gurigiisa nin shacab ah oo kamid ahaa ganac satada degmada Yucub.

Ninkan shacabka ah ayay Maleeyshiyaadk Liyuu Booliska gaysteen xero ciidan oo ku taala degmada Yucub, waxaana magaciisa naloogu sheegay Bile Cabdullahi Yusuf.

Maleeyshiyaadka bahaloobay ee Liyuu Booliska ayaa waxay wadaan mudooyinkii ugu danbeeyayba Xadhig baahsan oo ay ku hayaan dad shacabka ah ee Somalida Ogadenia.

Lama oga ilaa iyo haatan inuu nool yahan iyo in kale ninkan shacabka ah ee Maleeyshiyaadka Liyuu Booliska la baxeen.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa.