Gudiga u qabilsan doorashada heer federal ee dalka Itoobiya ayaa maanta shaciyay in doorashada la qaban doono 5ta bisha June sanada 2021ka sida ay sheegtay idaacada FANA oo ku hadasha afka dowlada federalka.

Doorashada Itoobiya oo ahayd mid loogu talagalay qabsoomideeda in lagu qabto August 2020 ayuu RW Abiy Ahmed dib u dhigay isagoo sheegay in aana la qaban kareyn doorasho waqtigaas madaama uu dalka ka jiray Coronavirus, balse dad badan ayaa amiinsan in uu siyaasadeenayo cudurka si uu ufushado dano gaar ah.

Dadka falanqayo siyaasada Itoobiya ayaa amiinsan in mar kale doorashada Itoobiya dib loo dhigi karo, madaama qayba kamida dalka uu ka socdo dagaal sokeeye una dhaxeeyo Qomiyadaha ku hoos nool Gumaysiga Itoobiya.

Halgan Media