Saraakiil katirsan militariga Soomaaliya ayaa Halgan Media u xaqijiyay in ciidamo tira badan kana tirsan Xogga Dalka ee ka howlgasho gobolka Galgaduud ay gadood ka samayen gudaha degmada Galinsoor ee gobolkaasi.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa la sheegayaa in ay ka Cabanayaan mushar la’an iyo daruufo adag oo heysta, kana mid ah raashin iyo hub la’aan.

Dowlada Federalka Soomaaliya ayaana weli wax war ah kaso saarin Gadoodka ay ciidamada ka sameeyen degmada Galinsoor. Hase yeeshe mahan markii ugu horeeysay ay qaar kamid ah ciidamada dowlada gadood ka sameeyen gobolka Galgaduud.

Halgan Media