Madaxada maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa kulama kala duwan ku qaatay magalaada Garowe malmahi u dambeyay.

Sida aan xogta ku helnay, ilo diblomaasiyadeed ayaa Halgan Media u xaqijiyay in safirka Mareykanka u qabilsan Somalia, Donald Yamamoto uu culees siyasadeed saray Ahmed Madobe iyo Sacid Deni si uu ugu qasbo in ay yimadan Muqdisho si ay ula kulmaan Farmaajo, madaama ay qaadacen wixi kaso baxay shirkii Dhusmareb 3 ee dhawaan soo idlaaday.

Mareykanka ayaa hanjabad u diray Sacid Deni iyo Ahmed Madobe in uu dhaqaalo iyo tageerada dhanka militariga laga jari doono hadii ay diidan in ay dowlada federalka la kulman si loogu heshiiyo doorasho heer qaran oo la rabo in ay dalka ka dhacdo 2021.

Ahmed Madobe iyo Sacid Deni ma diidi karan dalabka sida ay sheegan ilo lagu kalsoonan karo madaama ay Mareykanka kursiga ku hayaan iyo Mustaqbalkooda siyasaaded oo ku xidhan shisheeyaha degan xerada Xalane khasatan Mareykanka.

Dadka falanqayo siyaasada Soomaliya ayaa amiinsan inuu safirka Mareykanka Donald Yamamoto noqday hogaamiya kooxeedka cusub ee Soomaaliya, madama uu yahay shaqsiga mar walba dalka qaribayo sida u danahisa guracaan u gaaro.

Halgan Media