Maalin kadib dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in sigaar ah ay u hakiyeen xiriirkii Wadashaqeyneyd ay la lahaayeen Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War ka soo baxay Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Jubbaland Axmed Xasan ayaa waxaa lagu sheegay in la hakiyey dhamaan wadashaqeyntii Hay’adaha dowladda ay la lahaayeen.

Tallaabadan ayaa daba socotay kadib markii Madaxda Maamul goboleedyada iyaag oo wada jira ay shaaciyeen inay xiriirkii wadashaqeyneyd u jareen dowladda Soomaaliya oo ay eeydeyn ballaaran ay u jeediyeen.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.