Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warqadda soojeedinta ah oo Farmaajo kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa.

Xeerkan Madaxweyne ayaa dhaqan galay maanta marka uu saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.