Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay dad kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii uu soo dumay dhisme ka sameysnaa tiirar alwaax ah, halkaas oo ay isu soo bax dabaalgal ah ku lahaayeen maanta dadka diinta kirishtanka ee dalka Itoobiya.

Shilkan ayaa ka dhacay magaalda ku taalla waqooyiga Itoobiya ee lagu magacaabo Gondar, waxaa sannad walba xiligan oo kale isugu soo baxa ku dhawaad milyan shacab ah, oo ka qeybgalaya dabaaldag lagu magaabo Timkat ee diinta Kirishtanka.

Laba dhaqtar oo ku sugan jaamacadda Gondar isbitaalkeeda ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay ay in toban qof dhinteen sidoo kale ayaa dad badan ku dhaawacmeen shilkaas.

“waxaan kuu sheegi karaa inaan heyno toban qof oo dhimatay iyo sidoo kale 100 ilaa 150 ruux oo dhaawac ah” sidaas waxaa yiri mid kamida dhaqaatiirta.

Warkak iyo wixi kasoo kordha kalasoco shabakada Halgan Media.