Wararka naga soo gaaraya degamda dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose dalka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Kenya ay burburiyeen Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Jormuud ku laheyd deegaan duleedka ka ah degamdaas.

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in Miino ay ku xireen ka dibna ay ku qarxiyeen laanta Hormuud ee tuulada Calibuley oo 30KM dhanka woqooyi uga beegan degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in ay haatan hawada ka maqan tahay Isgaarsiinta deegaanka Calibuley,sidoo kalena taasi ay saameyn weyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii Ganacsiga, maadama ay dadku isticmaalaan adeegga EVC Plus.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada Kenya ay bur buriyeen Xarun Shirkada Hormuud ku leedahay tuulada Dhuuntooy oo ka tirsan deegaanka Dhamase ee gobolka Gedo,iyaga oo sidoo kale dilay Shaqaale ka tirsanaa shirkadaas.

Warkan iyo wixi kaso kordha kalasoco Halgan Media.