Wararka laga helayo gobolka Bay ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in Askari katirsan ciidamada dowlada oo kusugnaa degmada Diinsoor in uu u gostay, kadibna ku biray ururka Al Shabaab.

Ilo lagu kalson yahay ayaa Halgan Media u xaqijiyay inuu Askariga katirsanaa ciidanka xogga dalka, kana howlgalli jiray degaanka Diinsoor, waxaana magacisa naloogu sheegay Xassan Adan Shuriye oo ku magac dheer “Watees”.

Xassan ayaa la sheegay kadib markii oo ka baxay degmada Diinsoor, asaga oo Qorigisa wato inuu uu gudbay degaanka Buula-Fulaay ayna ka ariimayan ururka Al Shabaab sida ay sheegan dad goobjoogayaal ah.

Dowlada dhexe ee Soomaaliya iyo mamuulka degmada Diinsoor weli kama hadlin askariga u gostay ururka Al Shabaab, waxana muddadii u dambeysay soo batay ciidamada dowlada oo Ku biraya ururka Al Shabaab.

Halgan Media.